477 Views

Booliska Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigay Burcad dhac geysanayay

Booliska Dhuusamareeb oo gacanta ku dhigay Burcad dhac geysanayay
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

 Ciidamada Booliiska ayaa xalay soo bandhigey rag ay sheegeen in ay burcad yihiin oo dhac u geysanayay gaadiidka safarka ah iyo dadka la socda, kuwaasi oo lagu soo qabtay howlgal laga sameeyay Deegaanka Mareergur.

Raga la soo bandhigey oo ah seddax qof, ayaa mid kamid ah ka muuqday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay is waydaarsadeen ciidanka ammaanka, waxaana isla goobta lagu soo bandhigey taleefano iyo decomentiyo ay Boolisku sheegeen in ay ka mid yihiin agabka cadaymaha ah ee ay ka qaateen dadka wadadaasi ku safra.

Taliyaha Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ragga Burcadda ah ee howlgalka lagu soo qabtay ay Maxkamad u gudbin doonaan, isaga oo ugu baaqay dadka Hantida ay ka maqan tahay in Ciidamada Booliska kasoo doontaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post