537 Views

Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku qaabilay x Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal

Madaxweynaha Puntland oo  Garoowe ku qaabilay x Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal
____________________________________________________________________________

isniin: November 1, 2021

Madaxweynaha Puntland Sidiid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federaal oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddiga Mudane Maxamed Xasan Ciro .

Guddiga Doorashadda ee heer Federaal ayaa ugu horeyn Madaxweynaha iyo guud ahaan Dowladda Puntland ugu hambalyeeyay qabashada doorashadii goleyaasha deegaanka hal qof iyo hal cod ee ka dhacday Ufeyn , Qardho iyo Eyl.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya , gaar ahaan sidii loo dardagelin lahaa Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxaa kulanka ka qeybgalay Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal (FEIT), Guddiga Doorashadda ee heer Puntland (SEIT) iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Offci Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post