813 Views

Qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo Coronavirus ugu geeriyoodey Yemen

Qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo Coronavirus ugu geeriyoodey Yemen
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 06 2020–Muwaadin Soomaali oo COVID 19 ugu geeriyooday Caasimadda dalka Yemen ee Sanca

Hadal ka soo baxay Kooxda Xuutiyiinta oo gacanta ku haysa magaalladda Sanca iyo inta badan Waqooyiga dalkaasi ayaa lagu sheegay in Maydka Muwaadin Soomaali ah laga helay Hotel uu ka deganaa magaalladda Sanca.

Wasiirka Caafimaadka ee Maamulka Kooxda Xuutiyiinta, Taaha Al-Mutawail oo la hadlay Telefishinka ay Kooxdaasi leedahay ee Al-Masiirah TV ayaa sheegay inay heleen Warka ku saabsan Maydka Soomaaliga ee laga helay Hotelkaasi, isla markaana ay Koox Baarayaal Caafimaad si degdeg ah ugu direen Hoteelka, halkaasi oo uu ku geeriyooday Nin Soomaali oo uu ku dhacay Infekshinka Coronavirus.

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay Maydka Ninka Soomaaliga heleen maalintii Axadda la soo dhaafay, waxaana baaritaanka lagu ogaaday inuu u dhintay COVID 19, inkastoo uu horey u qabay dhibaatooyin caafimaad oo uu ka xanuunsanaa Beerka iyo Kelyaha.

Wasiirka Caafimaadka ee Maamulka Kooxda Xuutiyiinta, Taaha Al-Mutawail waxa kale oo uu tilmaamay in la wada karantiilay Dhamaan dadkii deganaa Hotelkaasi iyo kuwii soo booqday Marxuumka Soomaaliga ee ku geeriyooday Hotelkaasi.

Dhinaca kale, Safaaradda Somalia ku leedahay dalka Yemen ee Fadhigeedu ku yaalla magaalladda Cadan ee Koonfurta Yemen oo Caasimad Ku-meel-gaar haatan u ah Dowladda Caalamka aqoonsan yahay weli kama aysan hadlin Muwaadinka Soomaalida ee COVID 19 ugu geeriyooday magaalladda Sanca oo ay Kooxda Xuutiyiinta maamulaan.

Waddanka Yemen waxa uu ka mid yahay dalalkii ugu dambeeyey ee shaaciyey bishii hore ee April 10-dii Kiisaskii ugu horeeyey ee COVD 19, waxaana haatan la soo weriyey in laga helay 21 kiis oo ay 3 ka mid ah ku geeriyoodeen Deegaanadda ay Dowladda Yemen gacanta ku hayso.

Caasimadda dalkaasi Yemen ee Sanca oo ay Kooxda Xuutiyiinta maamulaan waxaa laga soo weriyey inuu halka hal qof oo Soomaali ah ugu geeriyooday fayriska Coronavirus.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment