390 Views

Gabar quruxda Ingiriiska u tartamaysa iyadoon wajigeeda naash naashin shirkeeda

Gabar quruxda Ingiriiska u tartamaysa iyadoon wajigeeda naash naashin shirkeeda
____________________________________________________________________________

Arbaco: AUGUST 31, 2022

Durbaba marka aad maqasho magaca tartanka quruxda, waxa maskaxdaada kusoo dhacaya, ayaa waxey yihiin qurxinta timaha, lebbiska, iyo dhaldhalaalka kor u qaadaya muuqaalka guud ee qofka.

Laakiin haweeney u dhalatay Ingiriiska, ayaa isku dayaysa inay beddesho aragtidan.

Melissa Rauf, oo 20 jir ah, ayaa u tartami doonta tartanka quruxda England heerkiisa kama danbeysta ah, iyada oo aan la qurxin, oo aan la naash naashin.

Tani weligeed hore uma dhicin, ku dhawaad​​boqolka sano ee taariikhda tartanka quruxda haweenka ee England.

Waxay rabtaa in ay u caddeyso gabdhaha da’da yar inaysan muhiim ahayn in la isticmaalo waxyaabaha la isku qurxiyo, si qofka u qurux badnaado, ama usoo jiito muuqaalkiisa dadka kale.

Rauf, oo ku nool magaalada London, ayaa ku guuleysatey wareegga ‘bear face’ ee tartanka, kaasoo la xiriira in qofku soo bandhigo sawirkiisa is qurxin la’aan.

Haddaba, tartanka kama dambaysta ah, ayaa la qaban doonaa bisha Oktoobar 17-keeda, kaas oo Melissa ay ka mid tahay afartan gabdhood oo tartan uu dhex mari doono.

Waagii hore, gabdhuhu waxay had iyo jeer isticmaali jireen waxyaabaha isqurxinta marka laga gaaro heerka kama danbeysta ah. Laakiin Melissa kuma talo jirto inay taas samayso.

“Haddii ay ku guulaysato, waxay rajaynaysaa inaysan isqurxin u isticmaali doonin tartanka quruxda ee haweenka adduunka, si ay u cajabiso aduunka,” ayey tiri.

Waxay BBC-da u sheegtay: “Waxaan rabaa in aan caddeeyo in aan nalagu qasbin isticmaalista waxyaabaha la isku qurxiyo, waa doorashadayada. Haddii aynaan doonayn in aan isticmaalno waxyaabaha la isku qurxiyo, qasab maaha, annaga ayay nagu xiran tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post