744 Views

Ha’yadda Qaramada qaxootiga ee UNHCR oo ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigray inay gaaraan heshiis

Ha’yadda Qaramada qaxootiga ee UNHCR oo  ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigray inay gaaraan heshiis
____________________________________________________________________________

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaallamaya gobolka Tigray inay gaaraan heshiis xabad joojin ah oo kumeel gaar ah kaddib dagaalka labada toddobaad halkaas ka socda.

Ha’yadda waxay dooneysa in la gaaro shacabka ku dhex go’doonsan dagaallada si gargaar loogu fidiyo.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaallada ka socda Tigray halka in ka badan 30,000 qof ay u qaxeen dhinaca Suudaan.

Qaramada Midoobey waxay ka cabsi qabtaa in xaaladda ay faraha ka baxdo, dagaalkana uu ku baaho deegaanada dhaca xadka..

Ma kala cadda ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka maadama ay go’antahay isgaarsiinta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post