849 Views

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in ciidamadiisa ay jab xooggan gaarsiyeen ciidamadda Ruushka ee ku soo duulay dalkiisa.

Madaxweynaha Ukraine oo  sheegay in ciidamadiisa ay jab xooggan gaarsiyeen ciidamadda Ruushka ee ku soo duulay dalkiisa.
____________________________________________________________________________


Sabti: March 26, 2022

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bartiisa Facebook-ga ku sheegay in ciidamadiisa ay jab xooggan gaarsiyeen ciidamadda Ruushka ee ku soo duulay dalkiisa.

“Toddobaadkii la soo dhaafay, ciidamadeena geesiyaasha ah waxay dharbaaxo xooggan ku dhufteen cadowga, Khasaare la taaban karana way gaarsiyeen,” ayuu yidhi Zelensky.

Wuxuu sheegay in 16,000 oo askari oo Ruush ah la dilay, balse Ruushka ayaa sheegay in 1,351 oo kaliya ay dhinteen.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale sheegay in uu mahad celinayo cidamadiisa geesiyaasha ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post