381 Views

Dadka reer Kenya, oo ka codeynaya meelaha qaar ee dib loo dhigay cod bixinta, sababo la xiriira warqadaha cod bixinta oo isku qasmay.

Dadka reer Kenya, oo  ka codeynaya meelaha qaar ee dib loo dhigay cod bixinta, sababo la xiriira warqadaha cod bixinta oo isku qasmay.
____________________________________________________________________________

Isniin:AUGUST 29, 2022

Dadka reer Kenya, ayaa ka codeynaya meelaha qaar ee dib loo dhigay cod bixinta, sababo la xiriira warqadaha cod bixinta oo isku qasmay.

Goobaha codbixinta, ayaa xili hore la furay, mana jirto wax dhibaato ah oo ilaa hadda lasoo sheegay.

Dadka ku nool ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta iyo Kakamega ee galbeedka, ayaa u codeynaya guddoomiyaasha goboladooda, doorashada uu muranku ka taagan yahay.

Cod-bixiyeyaasha, ayaa sidoo kale dooran doona xildhibaanno afar degmo doorasho – Kacheliba iyo Pokot South (West Pokot county), Rongai ( county Nakuru) iyo Kitui Rural (county Kitui).

Labo kursi oo golaha deegaanka ah, ayaa sidoo kale iyana doorashadoodu dhaceysaa maanta oo Isniin ah.

Doorashadan maanta qabsoontay, ayaa la qorsheeyey in la qabto 23-kii Ogosto ee bishan, balse mar kale ayaa dib loo dhigay.

Dibu dhigan danbe, ayaa yimid, kadib markii sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada handadaad iyo cagajugleyn lagu sameeyay saraakiisha doorashada.

Keenyaanka ayaa u codeeyay doorasho guud 9-kii Ogosto ee bishan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post