606 Views

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda oo ka warbixisay xogta COVID-19 ee Somaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda oo ka  warbixisay  xogta  COVID-19  ee Somaliya
____________________________________________________________________________

August 8, 2021

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 63 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay,  10 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 34 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (50), Puntland (9) Galmudug (3) iyo Hirshabeelle (1) qof ah, 32 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 31-na ay yihiin haween

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 15,788, waxaa bogsootay 7,729 Ruux. guud ahaan 847 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadasha talaalka cudurka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post