1287 Views

Dowladda oo Ciidamo Gaar ah Maanta geysay Dhuusamareeb

Dowladda oo Ciidamo Gaar ah Maanta geysay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado   , March 4, , 2020 —Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhow halkaasi ay ka degtay diyaarad sidey Ciidamo laga qaadey Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadanan oo weli aan la shaacin tiradooda ayaa waxaa ay yihiin kuwo ka tirsan Booliska gaarka ah ee Haramcad,kuwaas oo horay dowladda u geysay deegaano badan.

 

 

 

Saraakiil Ciidan ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Ciidamadaan ay qayb ka qaadan doonaan Sugida Ammaanka Caasimada iyo fulinta howlgalada gaarka ah.

 

Ciidamadaan Haramcad oo ay Dowladda geysay Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadayaa xilli isla Maanta Dhuusamareeb laga soo daabuley Ciidamada haramcad kuwoodii horay u joogey ee ka qayb galey dagaalkii Ciidamada Ahlusunna.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment