1245 Views

Farmaajo oo sheegay in uu darajada Ciidanimo ka qaaday Saadaq Joon

Farmaajo oo sheegay in uu darajada Ciidanimo ka qaaday Saadaq Joon
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 13 2021–Madaxwaynaha Muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa S/G Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) ka xayuubiyay dhamaan darajadii ciidan si waafaqsan sharciga ciidamada Qalabka sida.

Farmaajo ayaa ku eedeeyay Jenaraalka in uu kasoo horjeestay.

Farmaajo ayaa horay uga qaaday darajada Ciidanimo Cabdala Cabdalla oo ahaa taliye ku xigeenka NISA.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay in ay joojiyeen Kulankii loo balansanaa ee Maanta ee Golaha Shacabka, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista mooshin la xiriira doorashooyinka.

Taliye Saadaq oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in sababaha kulanka ay u joojiyeen ay tahay in aysan dhicin wax la boobayo, iyo in mudo kororsi la sameeyo balse waxkasta lagu dhameeyo in la gaaro isfaham siyaasadeed.

Waxa uu si cad u sheegay in xilligan aysan u cuntamin in Golaha Shacbaka oo uu u dhaartay in  uu amnigooda ilaliyo in uu dilo ama uu dhibaateeyo, waxaana uu Xildhibaannad uu  ugu baaqay inay degaannadii laga soo doortay dib ugu laabtaan si ay doorasho uga soo galaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post