1170 Views

Garoonka Diyaaradaha Baladweyne oo ku dhow in uu xirmo

Garoonka Diyaaradaha Baladweyne oo ku dhow in uu xirmo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, -2019 —–Saacadihii la soo dhaafay waxaa Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ka da’ay roobta deyrta oo dadka ku nool guud ahaan Gobolkaasi Hiiraan ay sugayeen.

 

Roobka ayaa waxaa uu Biyo dhigay inta badan Xaafadaha magalada Baladweyne iyo deegaannada ku dhow dhow,waxaana uu saameyn ku yeeshay goobaha Ganacsi ee magalada Baladweyne iyo isku socodka Gaadiidka qaarkood.

 

 

Sidoo kale Roobka ayaa waxaa uu Biyo dhigay Garoonka Diyaaradaha Magalada Baladweyne,waxaana la xaqiijiyay in Maanta iyo maalmaha soo socda uusan garoonka shaqeyn karin,maadaama ay Biyo badan garoonka ay galeen.

 

Sanad kasta markii uu roobka ka da’o deegaannada Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xirma Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magalada Baladweyne,waxaana saameyn uu ku yeeshaa Mas’uuliyiinta Hir-Shabeelle ee doonaya inay tagaan Baladweyne ama kasoo baxaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment