426 Views

Midowga Musharixiinta oo digniin culus soo saaray kadib safarkii laga jooojiyay shariif Xasan.

____________________________________________________________________________

Talaado: March 8, 2022

 

 Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaaradka oo soo saaray qoraal ayaa ka hadlay xayiraadii loogu diiday inuu magaalada Baydhaba u safaro madaxweynihii hore ee maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Midowga musharixiinta ayaa falkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid gurracan oo ka baxsan nidaamka dowlad-wanaagga iyo ku xad-gudubka xuquuqda dastuuriga ee muwaadhinka

sidoo kale  

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa todobaadkaan loo diiday inuu u safaro Magaalada Baydhaba, wuxuuna shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inuu arrintaasi ka dambeeyey madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa dagaal xooggan la galay xildhibaanadii waqtiga dheer ku fadhiyey kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo doorto Baydhabo, wuxuuna kuraasta intooda badan siiyey xubno ay wadatay Villa Somalia.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post