1776 Views

Diyaaradii ugu Duulimaadka dheereyd Caalamka oo gaartay New York

Diyaaradii ugu Duulimaadka dheereyd Caalamka oo gaartay New York
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 13, 2018 —Dalka Singapore diyaaradda laga leeyahay waxay duullimaad aan hakad lahayd ku tagtay magaalada New York ee dalka Mareykanka, waana diyaaradii ugu horreysay oo tilaabadaasi qaada.

Waa Diyaaraddii ganacsiga ee ugu horreysay oo sameysa duullimaad aan hakad lahayn oo ka soo duushay dalka Singapore ayaa waxay ka degtay magaalada New York, iyada oo jartay masaafo dhan 15,000 oo kiilo mitir waxayna ku qaadatay 17 saacadood iyo 52 daqiiqo.

Maamulka Shirkadda ayaa warbaahinta u sheegay Diyaaradda SQ22 sidday 150 rakaab ah iyo 17 shaqaalaha diyaaradda ah ay gaartay New York.

Waxaana naqshadda diyaaraddan loo sameeyey iney beddesho nooci hore ee Boeing 777 iyada 20%-30% ay diyaaradda Boeing 777 ka shidaal cun yartahay.

Diyaaraddan laga leeyahay shirkadda diyaaradaha Singapore oo uu nooceedu yahay A350-900 oo khamiisti duullimaadka ugu dheeraa ku tagtay New York waxay lahayd laba Matoor.

1 2 3

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment