1146 Views

Madaxweynaha Puntland oo beeniyay in ay taageeraan Kooxda Ahlu-Sunna

Madaxweynaha Puntland oo beeniyay in ay taageeraan Kooxda Ahlu-Sunna
____________________________________________________________________________

Sabti: October 30, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay Furitaanka baarlamaanka Puntland uu  jawaabay  eedeyntii Madaxweynaha Galmudug ee aheyd in Puntland ay taageerto e Ahlu-Sunna.

Deni ayaa arintaas waxba kama jiraan ku tilmaamay , xilli uu maanta khudbad ka hor jeedinayey baarlamaanka maamulkaas oo kalfadhiga 49-aad uu uga furmay Garowe.

Siciid Deni ayaa ku nuux nuuxsaday in Puntland ay diyaar u ahayn in ay garab siiso koox ka soo hor jeeda maamul dariskeeda ah, taasi oo uu sheegay in ay tahay waxba kama jiraan.

 “Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay dowladaha xubinta ka ah dowladda federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna, waxay sidoo kale lidi ku yihiin amniga, xasilloonida iyo horumarka Puntland,” ayu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale hadalkan ayaa  kusoo aadaya, xilli qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ay muujinayeen tuhun ah in Puntland ay soo hubeyneyso ururka Ahlu-Sunna, si loo carqaladeeyo koboca dowlad goboleedka Galmudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post