789 Views

Dowladda Somalia oo qalab Casri ah u dirtay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Dowladda Somalia oo qalab Casri ah u dirtay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda XFS ayaa ka qayb galay Munaasabad kooban oo ka dhacday Gudaha Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho taas oo qalab casri ah loogu dirayay Garoonka Diyaaraha Baydhabo.

Qalabkaan ayaa ah midka lagu hago diyaaraha sidoo kalena ah mid casri ah, waxaana Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Raidka ah oo ka hadlay munaasabada uu sheegay in horumarinta Maamulka hawadda ay ka go’an tahay iyadoona la rajaynayo in darajada hada ay joogto oo ah G la geeyo A oo ah halka ugu casrisan.

“Horumarinta Maamulka Hawadda waa mid noo ah yoolka koowaad waxaana rajaynayaa in Soomaaliya ay qayb ka noqoto dalalka habka ugu casrisan u maamusha hawadooda”Ayuu Yiri Wasiir Duran Farah.

Wasiirka ayaa ugu dambayn sheegay in Dhamaan Garoomada dalka la hormarinayo , iyadoona dhanka kalena gaadiidka cirka ee dalka ka shaqeeya la tayaynayo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post