690 Views

Cidda sugeysa Amniga doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay

Cidda sugeysa Amniga doorashooyinka Soomaaliya oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 23, 2021
—Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay cidda sugeysa amniga doorashooyinka Soomaaliya, in kastoo weli aan wax xal ah laga gaarin muranka doorashooyinka.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in aysan jirin xarun khasaas ah oo Booliska Soomaliya ay sitoos ah u maamulayaan, hayeeshee ay jiraan gudiyo isku dhaf ah oo ka kala socda dowladda federaalka & dowlad goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Heer Federaal & Heer Dowlad goboleed ay siwadajir ah isaga kaashan doonaan sugida Amniga degaannada dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir oo ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sameysay guddiga amniga doorashooyinka, kaas oo uu Madax u yahay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay u sugaan Amniga doorashooyinka dalka.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post