633 Views

Maraykanka oo sheegay inuu horumarinayo siyaasadiisa ku aadan la dagaalanka Al-shabaab

Maraykanka oo sheegay inuu horumarinayo siyaasadiisa ku aadan la dagaalanka Al-shabaab
____________________________________________________________________________

isniin: November 1, 2021

Kaaliyaha amniga ee madaxweynaha Maraykanka, Taliyaha AFRICOM General Stephen Townsend, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Difaaca ee Hawlgalka Gaarka ah iyo Xiisadaha Hoose Chris Maier ayaa soo gabagabeeyay safar ay ku tageen Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya.

Aqalka Cad ayaa sheegay in safarka mas’uuliyiintan uu ahaa hormarinta siyaasadda maamulka Biden ee la-dagaallanka argagixisada, awood-siinta wada-hawlgalayaasha maxalliga ah si ay uga hortagaan khataraha argaggixisada.

Saraakiisha ayaa waxaa ay la kulmeen ciidamada Maraykanka ee ku sugan Jabuuti, Soomaaliya, iyo Kenya kuwaas oo mas’uul ka ah fulinta howlgallada la dagaalanka kooxda al-Shabaab, iyagoo caawinaad ka helaya Maraykanka.

“Booqashadeenna oo dhan waxay ahayd si loo xoojiyo ogaanshaha khataraha soo ifbaxaya iyo kor u qaadista wada-shaqeynta aan la leenahay saaxiibada maxalliga ah iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM),” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Offci Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post