510 Views

Taliyaha Asluubta oo Dusha u saaray Gaari Cabdi Bille ah oo la socday Xasan shekh falkii shalay

Taliyaha Asluubta oo Dusha u saaray Gaari Cabdi Bille ah  oo la socday Xasan shekh falkii shalay
____________________________________________________________________________

June 3 20212

Saacado kadib baaritan loo diray Taliyaha ciidamada Asluubta Gen. Mahad C/raxmaan Aadan in uu soo baaro falkii shalay Ciidamo ka tirsan Asluubta ay Rasaas ooda kaga qaadeen Kolonyo gaadiid ah uu la socday Madaxweyne Xasan shekh ayaa  si kulul uga hadlay falkii ka dhacay shalay Barta Koontaroolka ee ciidamada Asluubta.

Taliye laandheere oo markii labaad hadlay kadib raaligelintiisii xalay ayaa saaka shaaciyey in khaladka uu lahaa Gaari Cabdi Bille ah oo la socday Madaxweynihii hore, kadib markii rasaas soo furay gaarigii ka horeeyay Kolonyada.

Waxay wax u dhaceen Gaari Cabdi Bille ah ayaa maray Koontaroolka Askarta, waxay ahayd inuu istaago oo u sheego inuu wado madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh jidka waa loo furi lahaa… muddo cabaar laga joogo waxay ciidamada joojiyeen Gaarigii kale, baabuurkii gudbay ayaa dib rasaas u soo furay.. Gaarigii Cabdi Billaha ahaa dhibaatada sameeyay, wuxuuna dili gaaray ninkii uu waardiyeynaayey .. Haddii ciddi xabbad kuugu soo rido, aadan aqoon… adna aad xabbad heysatid .. faataxo la akhrin maayee xabbad ayaa loogu jawaabayaa. Asluub ma bilaalin rasaasta..” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Asluubta oo si kulul uga hadlay arrintan.

Sidoo kale Wuxuu sheegay in ciidamada Asluubta ay meesha u joogaan ilaalada Amniga Xabsiga iyo Maxkamadaha oo weerarro badan ka dhaceen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post