1155 Views

Guddiga doorashada Kenya oo shuruud ku xiray murashaxiinta golaha deegaanka

Guddiga doorashada Kenya oo shuruud ku xiray murashaxiinta golaha deegaanka
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Guddiga doorashadooyinka Kenya, ayaa sheegay in xubnaha isku soo sharaxaya jagooyinka golaha deegaanka ee maamulada laga doonayo shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda.

Shacigan ayaa dhaqan galaya doorashada dhaceysa sanadka danbe ee 2022-ka. Waxaa la hakiyey sharcigan doorashadii dhacdey 2017-kii.

Mowliid Isaaq Muuse, oo ah guddoomiyaha golaha deegaanka ee maamulka Wajeer, ayaa sheegay in sharcigan wanaagsan yahay, oo xubnaha is sharaxaya aqoonta shahaadada heerka koowaad ee jaamacadda shardi loogga dhigo.

Inkastoo ay jiraan dad badan oo ka biyo diidsan sharcigan, haddana Mowliid wuxuu si buuxda u taageeray in kartida iyo aqoonta aaney kala hari Karin.

Sharcigan waxaa ansixiyey baarlamaanka Kenya 2016-kii, iyadoo madaxweyne Uhuru-na uu qalinka ku duugey, inkastoo la yara hakiyey xili kooban.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post