894 Views

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo sheegay in Xukuumaddu ay la xiisaabtami doonto daawo.

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur oo  sheegay in Xukuumaddu ay la xiisaabtami doonto daawo.
____________________________________________________________________________

Isniin: December 27, 2021

Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in Xukuumaddu ay la xiisaabtami doonto shakhsiyaadkii saakay soo abaabulay afgembigii dhicisoobay

Wasiirka Amniga Gudaha oo Saxaafadda la hadlayay ayaa xusay in xalay ilaa iyo saaka la waday iskuday Afgambi balse uu dhicisoobay, kaasi oo uu soo abaabulay Madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday oo uu ku weeraray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Xafiisyada Golaha Wasiirada, ciidamado isaga ka amarqaata balse lagu guuleystay in arrinkaas la fashiliyo.

“Nasiib wanaag qaar ka mid ciidamada Madaxtooyada, kuwa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka hortagay iskudayga Afgambiga dhicisoobay, qaar ka mid ah askarta la qalday waa ay ka soo laabteen qaladkooda, balse waxaa jirta kuwo weli qaladkooda ku taagan, sharciga ayaana la marsiin doonaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay ciidamada Amniga inay difaacaan Qarankooda oo ay ka hortagaan cidkasta oo carqaladeynayso Nabadgelyada iyo geeddi-socodka doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post