1110 Views

DHAGAYSO:-Heshiiska Hoggaamiyeyaasha Soomaalida Ay Ku Gaareen Garowe Ma Dhaqan Geli Doonaa

DHAGAYSO:-Heshiiska Hoggaamiyeyaasha Soomaalida Ay Ku Gaareen Garowe Ma Dhaqan Geli Doonaa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 29, 2019 —Tan iyo markii Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay ka dhacday Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Puntland waxa ay fursad u noqoray inay wada hadlaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee aragtida ku kala duwanaa.

Kulamo Siyaasadeed ayay Magalada Garoowe ku yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada,waxaana sidoo kale jira shir dib u heshiisiineed o loo balamay in la qabto Bisha Saddexaad ee Sanadkaan.

Hadaba Aqoon yahan Abaadir Khaliif Axmed ahna falanqeeye Siyaasadeed ayaa qaba in heshiisyadaas iyo kulamadii dhacay waxyaabihii kasoo baxay aysan noqon doonin kuwo mira dhala.

Waxa uu u sababeeyay in Madaxdu ay dhaqaalo isku-hayaan sidoo kalena qof walba uu ilaashanayo kursiga uu ku fadhiyo,isla markaana Madaxda Dowlad goboleedyada ay aaminsan yihiin in dowladda Federaalka ay dagaal kula jirto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment