732 Views

Cunaqabatayn ka dhan ah Ruushka oo Faransiisku ku baaqay ka dib markii ciidamada Ruushka ay dad rayid ah ku laayeen magaalada Bucha

Cunaqabatayn ka dhan ah Ruushka oo Faransiisku ku baaqay ka dib markii ciidamada Ruushka ay dad rayid ah ku laayeen magaalada Bucha
____________________________________________________________________________


Isniin: April 4, 2022

Cunaqabatayn dheeri ah oo ka dhan ah Ruushka ayaa Faransiisku ku baaqay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada Ruushka ay dad rayid ah ku laayeen magaalada Bucha, oo u dhow Kyiv, sida uu sheegay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Ukraine ayaa ku eedaysay Ruushka “xasuuq ula kac ah” oo ka dhacay Bucha, ka dib markii ay wariyayaashu heleen ugu yaraan 20 mayd oo daadsan waddooyinka, balse Ruushka ayaa sheegashadaas ku tilmaamay “dacaayad”.

Macron ayaa u sheegay idaacada Faransiiska Inter in ay jiraan “raadyo cad-cad” oo muujinaya in ciidamada Ruushka ay mas’uul ka yihiin dambiyada dagaal ee Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post