84 Views

Gabar ku shaqaysata xirfadda dallaalnimada markii ay shaqo ku waysay aqoonteeda

Gabar ku shaqaysata xirfadda dallaalnimada markii ay shaqo ku waysay aqoonteeda
____________________________________________________________________________

Sacdiyo Xasan Maxamed oo 24 jir ah waxay nolosha qoyskeeda ka maareysa shaqo dallaalnimo oo ay ku dhiiratay, markii ay shaqo ku wayday cilmigii ay baratay. Shaqadan ayaa u noqotay il dhaqaale oo u sahashay inay kaga maaranto shaqaalenimo.

Waxay maalinle ugu shaqo tagtaa iibinta beeraha, dhulalka bannaan iyo kireynta guryaha. Howshan ayaa iyada iyo qoyskeedu u horseedday inay isku filnaadaan.

“Nolosheyda waxay ku soo kordhisay nafteyda iska daaye inaan ehelkeyga wax taro. Waxaa jira biilal aan bixiyo oo macnaha qoysaska ah, oo waliba aan hal cid aheyn, labo iyo saddex iyo biilal aan aniga dhiibo oo la iiga xisaabtamo.”

Shaqadan waxaa bille uga soo gala lacagu dhaxeeya $600 ilaa $800. Waxay ku kala maareysaa masruufka qoyskeeda iyo qaraabadeeda oo ku nool miyiga. Qeyb ay u kaydsato Shirkadeeda Ajmal Services, iyo in kale oo ay ku bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo kirada xafiiska.

Markii ay bilaabaysay shaqadan waxay la kulantay dhaleeceyn ah in gabar waxbaratay oo dalaal ah aysan wanaagsaneyn, isla markaana aysan ka heleyn faa’iido fiican. Sacdiyo ayaa sheegtay in taas ay keentay inay ku sii hal-adeegto doonisteeda, si ay door muuqda ugu lahaato garab istaagga reerkeeda.

“Wixii biil ah iyo wixii waalidka kale ama gobolada jiro ama qaraabo ah oo kale, wixii iiga soo aado dhankeyga, qeybna bille ayaan u bixiyaa, qeybna markii ay baahideeda timaado ayaan bixiyaa.”

Ka hor shaqadan Sacdiyo waxay wajahaysay duruufo nololeed, balse waxay sheegtay wax kasta isku furfureen markii ay shaqadan oo dumarka aan looga baran ay u bareertay qabashadeeda. Gabadhan ayaa xustay inay nafteeda kaafisay iyo baahiyaha qoyskeeda, taas oo muujineysa sida ay uga gudubtay caqabadihii dhaqaale ee mar ku hor gudbanaa.

“Markii aan waxbarashada ku jiray oo kale taleefankaan rabo inaan gadan Karin. Dhar labis kaan rabo inaan magaalada ka doonan karin, saa rabo inaan u noolaan Karin. Laakin maanta waxa waaye nafteyda iska dhaafe dadka kale aan wax badan u kordhiyay.”

Sacdiyo sannadkii 2019 ayay ka qalin-jabisay kulliyadda Shareecada ee Jaamacadda Daarul Culuum. Wixii xilligaas ka dambeeyay waxay raadin u gashay shaqo ku habboon, balse uma suuragelin. Waxay la kulantay caqabado ay u aragto inay yihiin kuwa dabinka u dhigay dhallinyarada wax baratay, taas oo ah in looga hiiliyay shaqo ay iyada mudneyd heliddeeda.

“Dad badan oo aniga cilmi ahaan aan maleynaayo inaysan ila mid aheyn oo aysan xattaa jaamacadihii dhammeynin ayaa fursado shaqo helay, saas darted waxaan go’aan ku qaatay inaa aniga shaqo abuurto.”

Sannadkii tagay ee 2022 ayay Sacdiyo ayay billowday dalaalnimada. g urigeeda ayay ku shaqeyn jirtay, waxayna macaamiisheeda kula kulmi jirtay goobaha la isugu yimaado, maaddaama uu fikradda ay bar bilow ahayd.

Bishii labaad ee sannadkan waxaa u suuragashay inay xarun u gaar ah ka furato suuqa bakaaraha. Qalabeynta xafiiska ayaa uga baxday lacag dhan $600 oo ka mid ah dhigaal ay sameysatay intii shaqada ka wadday hoygeeda.

Waxay shaqaaleysiisay shan dhallinyaro ah oo isugu jira saddex wiil iyo labo gabdhood oo u xil-saaran howlaha bannaanka iyo la kulanka macaamiisha. Sida ay u kala duwan yihiin howlaha ay qabtaan ayuu u kala badan yahay mushaarka ay qaataan.

Waxay maalin walba u shaqo tagaan degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaanadda ku hareereysan. Waxay isku xiraan dadka  guryaha leh iyo kireysteyaasha. Waxay sidoo kale soo bandhigaan beeraha, boosaska bannaan iyo guryaha dhisan ee beeca ah, sida ay Sacdiyo sheegtay.

“Beecinta beeraha, haddii ay ahaan lahaayeen dhankaan Afgooye iyo dhanka Balcad labadaba. Beecinta dhulalka bannaan Xamar gudaheeda iyo bannanadeeda. Dhismaha guryaha oo aan qandaraaskooda inta qaadano aan dhisno iyo kireynta guryaha qofkii na soo waco oo guri furihiisa oo kale noo dhiibo, xafiis ahaan inaan ugu kireyno iyo qofkii isaga oo furaha heysto naga dalbado inaan u kireyno guryaha inaan u kireyno.”

Sacdiyo ayaa ku rajo weyn in mashruuceeda uu noqdo mid guuleysta,  una gudba gobollada dalka. Da’yarta waxbartay ayaa sannadahan dambe qabanaya shaqooyin aysan horay ugu dhiiran jiran wabashadooda, taas oo meesha ka saareysa inay kaliya xafiis ka shaqeyn uun sugaan.

.

Xigasho: Radio ERGO

.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post