1413 Views

Ciidamada Midowga Yurub oo sheegay in Markab lagu qaaday weerar burad-badeednimo

Ciidamada Midowga Yurub oo  sheegay in Markab  lagu qaaday weerar burad-badeednimo
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in Markab nuuca xamuulka qaada oo lagu magacaabo Ro-Ro oo watay calanka dalka Turkiga ayaa lagu qaaday weerar burad-badeednimo, xilli uu marayay xeebaha Soomaaliya.

Xarunta Hawlgalka Wadajirka ee EU NAVFOR ayaa heshay digniin, kadib markii doon ay saarnaayeen 4-5 qof oo hubaysan ay isku dayeen in ay ku soo dhowaadaan markabka.

Ilaalada Markabka ayaa ku furay hub fudud iyo baasuukayaal (RPG).

Kaddib, ku dhowaad laba saacadood oo ay is-weydaarsadeen rasaas dhex-martay kooxdii weerarka soo qaadday iyo shaqaalaha ammaanka Markabka, ayay kooxihii weerarka geystay dib ugu soo laabteen xeebta.

Howlgalka midowga Yurub ayaa sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarin shaqaalaha iyo Markabka, isla markaasna uu gaaray dekedda Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post