714 Views

Rag looga shakiyay inay lo’ dhaceen oo nolosha lagu aasay Dalka Mozambique

Rag looga shakiyay inay lo’ dhaceen oo nolosha lagu aasay Dalka Mozambique
____________________________________________________________________________

Isniin: June 27, 2022

Booliska Mozambique ayaa xiray 9 qof oo looga shakisan yahay inay jirdileen isla markaana ay nolosha ku aaseen toddobo qof oo looga shakisanaa inay kamid ahaayeen burcadda lo’da dhacda.

Wuxuu falkan ka dhacay degmada Manhiça,oo u dhaw caasimadda Mozambique ee Maputo.

Afhayeenka booliska gobolka Juarce Martins, ayaa xaqiijiyay ragga nolosha lagu aasay iyo dadka loo xiray dhacdadaas.

Wuxuu intaa ku daray in weli aan la aqoonsan dadka la dilay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha dowladda ay booqdeen goobta si ay usoo qufaan meydadka dadkii nolosha lagu aasay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post