717 Views

Madaxweynayaashii hore oo caawa Hoyanaya Deegaan ay daganyihiin dadka ay ka dhasheen..

Madaxweynayaashii hore oo caawa Hoyanaya Deegaan ay daganyihiin dadka ay ka dhasheen..
____________________________________________________________________________

April 15-4-2021

Wararka ka imaanaya caawa Degmooyinka kaaraan iyo degmada Cabdicasiis ee Waqooyiga Muqdisho ayaa sheegaya in Caawa halkaas laga dareemayo saxmad aad u xooga,

Wararka ayaa sheegaya in uu halkaas dagan saacadihii la soo dhaafay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo tan iyo markii uu ka guuray Villa Somalia degenaa guri ku dhow garoonka diyaaradaha ayaa u soo guuray maanta guri ku yaal degmada Cabdicasiis ee Waqooyiga Muqdisho.

 Xasan Sheekh oo ay galbaninayaan ku dhawaad 12 gaadiidka dagaalka ah ayaa gaaray degmada Cabdicasiis ee Waqooyiga Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu guuri doono asna adaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed uu soo dego degmada Kaaraan.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in musharaxiinta kale sida Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre,Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo musharaxiin kaleba ay degi doonaan gudaha degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale Arrintan ayaa u muuqata in culeys lagu saarayo Madaxweynaha waqtigiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo muddo kororsi labo sano sameystey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post