1152 Views

Guud ahaan Diyaaraddaha Aada Kismaayo oo la Hakiyay

Guud ahaan Diyaaraddaha Aada Kismaayo oo la Hakiyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 23-2019 —Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.

 

Maamulka Hey’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.

 

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ku hortageysaa in laga qeyb galo Caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo lagu waddo in ay dhaco 26-Bishaan.

 

Khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay, waxaana ka dhashay in si tartiib ah loo joojiyo dhamaan duulimaadyada.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment