2325 Views

Taliye ku xigeenkii ciidanka Haramcad Muumin Ciise Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo oo galabta Mahad salad soo dhaweyay

Taliye ku xigeenkii ciidanka Haramcad Muumin Ciise Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo oo  galabta  Mahad salad soo dhaweyay
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Waxaa caawa magaalada Muqdisho laga dareemayaa Jawi kale Markii uu soo goostay Taliye ku xigeenkii ciidanka booliiska gaarka ah ee Haramcad Muumin Ciise Maxamuud iyo ciidamo uu hoggaaminayo oo  galabta ka goostay dowladda federaalka, iyagoo ku biiray ciidanka taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaado Qaran.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu wato ciidamo xoog leh iyo gaadiid dagaal, waxaana arrintaan qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku xaqiijiyay Xildhibaan Mahad Salaad oo si dhow ula shaqeeya ciidamada Mucaaradka.

“Captan Muumin oo ah Sargaalkii ugu miisaanka cuslaa Ciidanka Haramacad iyo ciidamo uu wato ayaa galabta ku soo biiray Ciidanka Badbaado Qaran,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad si weyn ugu adeegsan jirtay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah siyaasadiida, maadaama uu aad ugu kalsoonaa, balse hadda waxay ku biirayaan mucaaradka.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post