918 Views

Cambaareyn ka dhalatay masaajid lagu burburiyay Dalka Kenya

Cambaareyn ka dhalatay masaajid lagu burburiyay Dalka Kenya
____________________________________________________________________________

Axad, 7 Febraayo  Qaranimo Online

Waxaa la burburiyay mid kamid ah masaajidda ugu waaweyn Kenya kaas oo ku yaalla deegaanka Kiboi oo dhaca gobolka Kisumu ee galbeedka Kenya, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

Waaxda tareenada ee Kenya ayaa qaadday howlgal ay ku burburineyso guryo iyo dhismooyin ku yaalla halkaas oo ay sheegtay in si sharci darro ah ay dadka ku degnaayeen dhulkaas . sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha.

Dadka deegaanka ayaa dhaleeceeyay tallaabada lagu burburiyay guryaha iyo masaajidka.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto bartamaha Gaarisa ayaa cambaareeyay tallaabada lagu burburiyay masaajidka kuna tilmaamay mid khalad ah oo kasoo horjeedo diinta Islaamka.

“Waxaan cambaareynayaa waaxda tareenada ee Kenya tallaabada ay isaga dhaga tirtay go’aanka maxkamadda ee ah in aanan la burburin masaajidka iyo guryaha taas oo dad badan oo Kenyan ah ay guryo la’aan noqdeen”

“Xitaa maamuladii dhibka badnaa, taariikhda laguma hayo in la burburiyo guriga lagu cibaadeysanayay”

Wuxuu intaas ku daray in ‘masaajidka la dhisay sanadkii 1938-dii oo ay saddexdii subaxnimo burburiyeen waaxda tareenada ee Kenya.

Waa arrin kasoo horjeedo dastuurka oo lagu wiiqayo xoriyadda qofka uu ku cibaadeysanayo isla markaana xaadgudub ku ah umadda muslimka ah” ayuu yiri Aadan Barre oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post