2391 Views

Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari oo dalbaday in loo soo celiyo Ilaaladiisa

Xildhibaanada taageersan Guddoomiye Jawaari oo dalbaday in loo soo celiyo Ilaaladiisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 5, 2018 – Xildhibaanada la baxay Badbaadada Baarlamaanka oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliyeyaasha ciidamada aanay dhex dhexaad ka aheyn xaalada siyaasadeed ee uu dalka galay.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in Ilaaladii Guddoomiye Jawaari la xiray, taasna ay tahay arrin xadgudub ku ah xurmadiisa, waxaana ay ku baaqeen in loo soo celiyo ciidamadii laga qaaday.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Xukuumadda inay faraha kala baxdo arrimaha baarlamaanka, isla markaana ay sii qaadeyso tallaabooyin xaalada uga sii dari karta.

Xildhibaanadan ayaa beeniyay eedeynta loo jeediyay Guddoomiye Jawaari ee ahaa inuu xerada qabsaday, hase ahaatee taa bedelkeed waxay sheegeen in boqolaal ciidamo ah ay dowladda ku soo daadisay waddooyinka iyo gudaha xarunta baarlamaanka.

Waxaa ay sheegeen in ciidamadii booliska ee gudaha xarunta baarlamaanka ku jiray ay watene bastoolado iyo kantiinado, taasoo looga gol lahaa in lagu jeebeeyo xildhibaanada sida ay hadalka u dhigeen.

Ilaalada Guddoomiye Jawaari ayaa lagu eedeeyay inay ka qeyb qaateen arbushaadii shalay ka dhacday Baarlamaanka, kaddib markii iyagoo hubeysan ay galeen, waxaana ciidamada ilaalada qaarkood la xiray, kuwa kalena lagu amray inay xarunta ay ilaalinayaan ka soo tagaan.

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa cirka isku shareertay, waxaana wali la helin wax xal ah, iyadoo labada dhinac ay hawada isu marinayaan hadalo culus.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment