453 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Norway

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Norway
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 16, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Adan Mohamed Nuur Madobe ayaa maanta hoygiisa kulan kula qaatay danjiraha dalka Norweyn, Amb. Haakon Svane.

Safiirka dalka Norway ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka lawadaagay sii amba-qaadida taageerada dhanka sharciga oo dowladda Norwey horay u siin jirtay Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Kulankan maanta ay yeesheen mas’uuliyiinta oo daba socday kulan hore ayaa lagu soo hadal qaaday Awoodsiinta Haweenka Soomaaliyeed kuwooda ku jira siyaasada.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey shacabka iyo dowladda Norweyn oo taageera buuxda ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaana uu sheegay in ay iska kaashan doonaan wada shaqeeynta Baarlamaanada labada dal.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post