240 Views

Xldhibaanada Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay xeer hoosaadka lagu dhaqayo Golaha

Xldhibaanada Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay xeer hoosaadka lagu dhaqayo Golaha
____________________________________________________________________________

isniin: December 19, 2022

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomisay kalfadhiga 2aad kulankiisa 3aad ee Golaha Shacabka Baarlamanka jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya oo ay maanta goobjoog ahaayeen 141 Xildhibaan.

Kulanka waxaa hor yimid Guddiga Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS waxa ayna horkeeneen Golaha Xeer hoosaadka lagu dhaqayo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ayaa ka hor aqriyay xildhibaanada xeerka ay soo diyaariyeen, Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay xeerka ay hor keeneen gudiga waxayna soo jeediyeen in Xildhibaanada fursad loosiiyo si ay usoo aqriyaan xeerka.

Ugu danbayntii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS oo shirka guddoominaysay ayaa soo jeedisay in kulan Kan xiga looga doodi doono qodobada waxkabalka u baahan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post