1347 Views

Wax ka Baro ninka qarsoon oo si weyn saameyn ugu leh maamulka Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka

Wax ka Baro ninka qarsoon oo si weyn saameyn ugu leh maamulka Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka
____________________________________________________________________________

Talaado: August 31, 2021

Waxaan halkan idiin kugu soo gudibneynaa warbixin ku saabsan ninka aanan aqoont badan loo lahayn ee ay adag tahay in lala socdo xaaladdiisa.

Waa ninka qarsoon oo si weyn saameyn ugu leh maamulka Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka. weriyaha BBC-da Gabriel Gatehouse ayaa eegaya ninkan muranka badan dhaliyay iyo arrimaha qarsoodiga ah ee ku gedaaman noloshiisa.

Waxaa lagu magacaaba Vladislav Surkov- waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Putin’s Rasputin, oo micnaheedu yahay ninka saameynta weyn ku leh Kremlin-ka.

Waa ninka hoggaminaya ololaha Ruushka ee ka dhanka ah Reer galbeedka

Ka hor intii uusan madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump adeegsan ereyga ‘Fake news’ ama ‘waa marin habaabin’, Vladislav Surkov wuxuu bilaabay in uu adeegsado xeelad kale.

Xukuumadda Moscow waxay adeegsanayesaa xeeladda Vladislav Surkov, si jahwareer siyaasadeed ay ugu abuurto arrimaha dimuqraadiyadda ee Reer Galbeedka.

Nin kaaliye ahaan jiray oo la shaqeyn jiray ninkan wuxuu yiri: “Xirfadda Vladislav Surkov waxaa sare u qaaday arrinta ku saabsan markii ay bilaabatay dunida casriga ah wuxuu yiri: ‘wax run ma jiro, runna ma jirto, balse waxaa jira siyaabooyin runta lagu raadin karo’.”

Waa nin si lama filaan ah ku noqday awoodda ka dambeysa madaxweyne Putin

 

Wuxuu curiyay fikradda ah ‘dimuqraadiyadda ku saabsan madaxbanaanida’ waa siyaasad ku saabsan in dimuqraadiyadda khiyaaliga ah ay ka soo bixi karto hal natiijo: waa in uu sii socdo maamulka Putin.

Mid ka mid dadkii horey ula soo shaqeeyay ninkan ayaa yiri: “Wuxuu gacanta ku hayaa maamulka awoodaha siyaasadeed ee dalkaas.”

“Awoodahaas waa kuwa aanan la garan karin, balse Surkov ayaa si weyn u yaqaanna laga bilaabo mucaaradka, axsaabta siyaasadda, xildhibaanada, guddoomiyeyasha gobollada; in la sameeyo ama meesha laga saaro dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ama hay’adaha aan dowliga haeyn, kaniisadaha, warbaahinta iyo ururada bulshada rayidka”.

Wuxuu ahaan jiray waardiye

 

Mikhail Khodorkovsky oo mar ahaan jiray ninka ugu taajirsan Ruushka ayuu ninka markii ugu horreysay u shaqaaleysiiyay inuu ka mid noqdo ilaaladiisa, wuxuu arkay in Surkov uu yahay nin karti leh oo ka maskax fiican ilaaladisii kale.

Wuxuu ka dhigtay madaxii xiriirka dadweynaha ee shirkaddiisa, halkaas oo Surkov uu ka bilaabay xirfaddiisa ku saleysneyd khiyaanada iyo in si khaldan uu u hago ganacsiga iyo siyaasadda.

Markii ninkii ganacsadaha iyo Surkov ay isku dhaceen, waxaa xabsiga loo taxaabay Khodorkovsky halka Surkov uu bilaabay olole ka dhanka ah ganacsadihii mar ugu taajirsanaa Ruushka.

Waxaa mar loo tababaray agaasime tiyaatar

Surkov wuxuu tababarka masraxiyadda ku soo qaatay Moscow, balse markii dambe waa laga eryay ka dib dagaal uu ka bilaabay halkaas.

La taliye oo ka tirsanaa Aqalka Kremlin ayaa yiri: “Wuxuu isku arkay in uu yahay qofka hagayay barnaamijkii masraxa ka socday, wuxuu isku dayay in uu maamulo dadkii soo bandhigayay barnaamijka”.

Wuxuu maamulay koox gooni u goosad ah oo ka dagaalanta Ukraine

 

Dokumentiyo qarsoodi ah oo ka soo baxay Aqalka Kremlin-ka, waxay muujinayaan in Surkov uu maamulo shabakad ay ku mideysan yihiin kooxo ku sugan bariga gobolka Donbas ee Ukraine, halkaas oo kooxaha gooni u goosadka ay dagaal kaga soo qaadaan xukuumadda Kiev iyagoo oo taageero ka helayo Ruushka.

Nin horey u hoggaamin jiray fallaagada ayaa sheegay: “Waxaan marar kala duwan la kulmay Vladislav Surkov. Wuxuu ka mid yahay dadka ugu caqliga badan ee aan nolosheyda la kulmay”.

Wuxuu qoray buug ka hadlaya ‘dunidan casriga ah ka dib’

Buuggiisa oo ah mid khiyaali ah, waxaa la daabacay 2009.

Surkov waa nin aanan naxariis laheyn oo gabyaa ah, waana qof khiyaano badan oo wax daabaca.

Wuxuu laaluushaa dadka dhalleeceeya siyaasadda dowladda iyo weriyeyaasha, si ay ugu adeegaan siyaasiyiinta ku howlan musuqmaasuqa iyo in ay leexiyaan waxyaabaha dhabta iyo in ay abuuraan wararka marin habaabinta ah.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post