2766 Views

Weerar Lagu Qaaday Madaxtooyada,Xilli Uu Khudbad Jeedinayey Madaxweyne Ashraf Ghani

Weerar Lagu Qaaday Madaxtooyada,Xilli Uu Khudbad Jeedinayey Madaxweyne Ashraf Ghani
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 21, 2018–Dableey ayaa waxay hoobiyeyaal ku soo rideen xaruun diblomaasiyadeed oo ku taalla bartamaha caasimada Afqaanistan ee Kabul iyada oo xiliiga weerarka uu dhacayey madaxweynaha dalkaasi uu farriin Iidda ku saabsan uu muslimiinta u gudbinayey.

Madaxweyne Ashraf Ghani wuxuu si toos ah uu hambalyada Ciidal-Adxa uu ka tabinayey telefishiinka xilliga la maqlay qaraxyada hoobiyeyaasha oo ku dhacay meel ku dhaw madaxtooyada dalka.

Weerarka kaddib diyaaradaha Helikoobtarka ayaa dhismaha uu hoobiyaha ka soo dhacay weerar ku qaaday iyada oo la aaminsanaa iney gabbaad ka dhigteen dableey hubeysan.

Baaqi xabbad joojinta Iidal-Adxa uu Isniinti Mr Ghani soo jeediyey waxaa qaadacay Ururka Talibaan.

Ciidamada ammaanka oo marki dambe si buuxda gacanta ugu dhigay dhismihi ay ku tuhmayeen in hoobiyeyaashaasi laga soo tuuray, haddana waxaan weli caddeyn cidda hoobiyaha soo tuurtay iyo inta qof oo soo tuurtay intaba.

Dhowr saacadood kaddib waxay masuuliyiinta dowladda Afqaanistaan sheegeen in dableeydi weerarka soo qaadday la dilay. Waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay 4 qof oo ay 2 ka mid ah yihiin ciidamada ammaanka.

Dhinaca kale, masuuliyiin sarsare oo dowladda Afqaanistaan ka tirsan ayaa waxay sheegeen inuu ururka Taliban uu sii daayey 160 bas oo kuwa rakaabka ah oo ay maalin ka hor ku qabsadeen waqooyiga dalka.

 

Dableeyda ururka Talibaan iyo ururka isku magacaabay dowladda islaamiga ee IS ayaa bilihi ugu dambeeyey weerarro isdaba joog ah ka fulinayey dalkaasi Afqaanistaan, weerarraadaasi oo ay ku dhinteen boqollaal qof.

Halkee hoobiyeyaasha laga soo tuuray?

Taliyaha booliska Afqaanistaan wuxuu BBC-da u sheegay 3 dableey oo ku hubeysnaa qoryaha sida darandoorriga u dhaca iyo hoobiyeyaal ayaa waxay xoog ku galeen dhisma ku dhow masajidka Eid Gah oo ku yaalla magaalada Kabul.

 

Tliyuhu wuxuu intaa ku daray, dableeyda weerarka soo qaadday iney marka hore hoobiyeyal ku soo rideen madaxtooyada.

 

Ugu yaraan 10 hoobiye oo ku dhacay qaybaha dambe ee madaxtooyada qaraxooda ayaa la maqlayey, xilli uu madaxweyne Ghani uu farriinta iidda uu tabinayey. Muuqaallo telefishiinka laga baahiyeyna waxaa ka muuqday qiiq madoow oo cirka isku shareeray.

 

Kaddibna ciidamada ammaanka iyo dableeydi weerarka soo qaaday waxay isweydaarsadeen rasaas iyaga oo dhismaha ay weerarka ka soo qaadeen gabbaad ka dhiganayey.

 

Dhibaatooyinka ay rabshaduhu leeyihiin

 

Toddobaadyadi u dambeeyey ururka Talibaan wuxuu soo qaday weerarro dhowr ah.

 

Weerarki ugu weynaa ayaa wuxuu ahaa kii ay ku qaadeen magaalada Ghazni, oo ku taallo waqooyiga Kabul, halkaasi oo ay dagaal shan maalmood socday ay xoogagga dowladdu kula galeen, boqollaal qofna dhaawac iyo dhimasha u geystay.

Qaramada midoobayna waxay ka digtay iney dhici karto iney weerarkaasi ay ku dhinteen 150 qof oo rayad ah.

Weerarradan ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli ururka Tallibaan lagu hayo cadaadis ah inuu wadahadallo nabadeed uu la galo Dowladda Afqaanistaan.

 

Wadahadalla qarsoodi ah ayaa waxay dalka Qadar ku dhex mareen Hoggaamiyeyasha Taliban iyo saraakiil ka socotay Mareykanka taasoo keentay iney seddex maalmood oo xabbad joojin ah oo ku aaddaneyd Eidal Fitriga ee bishi June ay graan, xabbad joojintai seddexda maalmood oo ay labada dhinacba si weyn u ilaaliyeen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment