3558 Views

Diyaar garowga Ciida oo laga dareemayo suuqyada Magaalada Muqdisho

Diyaar garowga Ciida oo laga dareemayo suuqyada Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 14, 2018 –  Suuqyada dharka iyo Carwooyinka ku yaalla Muqdisho waxaa si aad ah looga dareemaya mashquul iyo diyaar garow xoogan oo la xiriira maalinta Ciidul fidriga ee maalmo kooban ay ka harsan yihiin.

Dadka ayaa waxay isku diyaarinayaan maalinta ciida waxayna gadanayaan dhar iyaga oo sidoo kale caruurta u iibinaya dharka ciida ee soo baxay sanadkan iyo agabka ay ku ciyaari lahaayeen.

Suuqyada waxaad ku arkeysaa xilligan waalidiin fara badan, kuwaasi oo soo kaxeeyay caruurtooda si ay ugu soo iibiyaan dharka Ciida.

Waalidiinta ka tukaameysanayo Suuqyada waxaa ay tixgalinayaan rabitaanka caruurtooda waxay u iibinayaan dharka ay caruurta rabaan.

Waalidiinta qaar ayaa sheegay in xilligan ay u diyaar garoobayaan dabaal dagga maalinta Ciidul fadriga agab iyo dharna ay u iibinayaan caruurtooda.

Sanad walbo dharka gabdhaha ayaa ka qaalisan kuwa wiilasha, waxaa suura gal ah halkii wiil in ugu badnaan loogu adeego lacag dhan 30$ balse halkii gabar lacagta ugu yar ee loogu adeegayo ama dharka ciida loogu iibinayo ayaa ah 50$ sida ay sharaxayaan hooyooyinkan.

Ganacsatada qaar ee iibisa dharka ayaa inoo sheegay in ciidan ciidihii hore ay ka duwan tahay isbadal weyna uu ka jiro suuqa.

Sanadkan sanadihii hore waa uu ka duwan yahay sida dadka qaar ay inoo sheegeen waxaa soo baxay dhar Fashion ah oo qiimahoodu kala sareeyo, sidoo kale sanadkan waxa suuqyada laga helayaa dharka caruurta aadka u yar ee bilooyinka qura jira.

Dadka keliya dhar uguma diyaar garoobayaan ciidan balse waxaa dhanka kale mashquul ah goobaha lagu iibiyo waxyaabaha macmacaanka ah sida Xalwada, Buskudka, iyo waxyaaba kale ee la isticmaalo maalmaha ciida ah ee macmacaanka ah.

CIIDA-6 CIIDA-1 CIIDA-2 CIIDA-3

CIIDA-4 CIIDA-5

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment