96 Views

Madaxweyne Xasan oo kulamo layeeshay madaxda dalka Talyaaniga

Madaxweyne Xasan oo kulamo layeeshay madaxda dalka Talyaaniga
____________________________________________________________________________

ROME — Madaxweynaha Jamhuiriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Roma kaga qeybgalaya madasha Afrika iyo Taliyaaniga ayaa kulamo kula qaatay Madaxweynaha dalkaasi mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Melon.

Madaxweynaha ayaa maadaxda Taliyaaniga kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, xilli dowladda Taliyaaniga ay ka mid tahay saaxiibada sidhow u taageera dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgalay madasha Roma, waxaana intii uu ku sugnaa Taliyaaniga waxa uu la kulamay mas’uuliyiin kale duwan, waxaana iinta badan uu kala hadlay xaaladda gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa xiisada kasoo cusboonaaday.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ayaa dadkii la kulmay waxa kamid ahaa Madaxweynaha dalka Comoros, Azali Assoumani ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika, madaxa hey’adda lacagta IMF Kristalina Georgieva iyo madaxda ugu sareysa dowladdda Taliyaaniga.

Madaxweynaha ayaa inta uu ka qeyb galayo madasha taliyaaniga iyo Afrika waxa sidoo kale lagu wadaa inuu madaxweynuhu kulan la qaato madax ka socoto Bangiga adduunka oo mas’uuliyiin ka socota ay ka qeybgalayaan madasha caasimadda Taliyaaniga ee Roma.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post