573 Views

Taliban oo Haweenka Afghanistan ku amrtay inay guryaha joogaan

Taliban  oo Haweenka   Afghanistan ku  amrtay inay guryaha joogaan
____________________________________________________________________________

Arbaco: August 25, 202

Haweenka  shaqeeya ee ku nool Afghanistan ayaa lagu amray inay guryaha joogaan ilaa laga sameynayo qorshe lagu hubinayo ammaankooda, sida uu weriyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay Taliban.

“Waa hannaan ku meel gaar ah,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid.

Taliban, oo soo rogtay shuruuc adag markii hore ee ay heysay talada Afghanistan kahor 2001, ayaa sagaal maalmood kahor gacan buuxda ku dhigay dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan warar “la isku halleyn karo” oo tibaaxaya tacaddiyo ay Taliban geysteen, sida xayiraado ay ku soo rogeen haweenka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post