1236 Views

Dad ka barakacay deegaano ka tirsan gobolka Gedo

Dad ka barakacay deegaano ka tirsan gobolka Gedo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29-2019 —24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa degmooyin ka tirsan gobolka Gedo gaaray dad Shacab ah oo ka barakacay duqeymaha Diyaaradaha dowladda Kenya ay ka fulinayaan dhulka Miyiga ah ee ku yaalla deegaano ka tirsan gobolkaasi Gedo.

 

Dadka oo isugu jira Caruur iyo Haween ayaa waxaa ay ka barakaceen deegaannada Deeraq, Faxfaxdhuun, Daarusalaam, Ceel-Raam, Koolbaay, Buusaar & Cowsqurun,waxaana dadkaasi ay u barakaceen oo ay gaareen Magalada Baardheere oo qiyaastii u jirta 250km halkii ay daganaayeen oo ay ka barakaceen.

 

 

Barakacayaashan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay ka soo hayaameen Xaalado Abaareed & duqaymaha diyaaradaha Kenya ay ka gaystaan qaybo ka mid ah gobolka Gedo, waxayna intaas ku dareen in laga laayey xoolihii ay dhaqan jireen, sidoo kalena laga jaray Isgaarsiintii ay ku tiirsanayd noloshooda.

 

Ugu dambeyn waxaa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsadeen inay la soo gaarto gar-gaar banni’aadanimo, xilli saddexdii sano ee la soo dhaafay gobolka Gedo ay haysatay abaaro ku habsatay dadkii duunyadii ku dhaqaneed halkaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment