852 Views

Ukraine oo sheegtay inay iska caabisay dagaal kaga yimid Ciidanka Ruushka.

Ukraine oo sheegtay inay iska caabisay dagaal kaga yimid Ciidanka Ruushka.
____________________________________________________________________________

 

Sabti:February 26, 2022

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamada Ruushka mid ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhaca galbeedka Kiev.

Waxay sidoo kale sheegeen in dagaal uu ka dhacay agagaarka garoon diyaaradeed oo dhanka koonfureed ku yaalla. 

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay waddada Peremohy (Victory), balse lama xaqiijin karo khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca waloow dhimashadu ay badan tahay.

Ukraine waxay sheegtay inay soo rideen diyaarad weyn oo Ruushka leeyahay oo siday ciidamo.

Dhinaca kale, Ruushka wuxuu sheegay inay ciidamadiisa ay gudaha u galeen magaalada Melitopol oo u dhow gobolka Crimea, inkasta oo aan arrintan la xaqiijin.

Sidoo kale dagaallo xooggan ayaa laga soo sheegayaa inay ka socdaan magaalada Kharkiv oo dhacda xadka Ukraine iyo Ruushka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post