780 Views

Midowga Musharixiinta oo dalbaday in ballaariyo Shirka Dhuusmareeb

Midowga Musharixiinta oo dalbaday in ballaariyo Shirka Dhuusmareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 1, 2021-Xubnaha Midoobay Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ayaa ka hadlay shirka Madaxda dowlada iyo dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb, iyaga oo soo jeediyay lix qodob oo ay sheegeen in uu muhiim u yahay shirkaas.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la amba qaadayo muhiimada ay dalkeena u leedahay qabsoomida doorasho wada ogol ah oo si xor iyo xalaal ah ku dhacda, lana tixgelinaayo kala aragti duwanaanta ku aadan meelmarinta heshiiska doorashooyinka, ayay sheegeen in  golaha Midowga Musharixiinta fursad u arkaan shirka wadatashiga dhuusamareeb ee lagu baaqay 1-da Bisha Febaraayo ee sanadka 2021 oo Maanta ku began.

Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday 5 qodob in lagu dhaqaaqo si shirka Magaalada Dhuusamareeb uu u noqdo mid miro-dhal ah, waxaana qodobada ay kala yihiin.

1: In la baallaariyo gogosha shirka kana qeyb-galaan Wakiilada metelaya saamileyda tabashada ka qaba hirgelinta heshiiska doorashooyinka kuwaas oo kala ah, wakiilada gobolada Waqooyi, gaar ahaan Guddoomiyaha Aqalka sare oo ah mas’uulka ugu sareeya siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland, Midowga Musharixiinta Madaxweynenimo iyo Bulshada rayidka ah ee la aqoonsan yahay.

2: In shirka la siiyo waqti ku filan, si fursad loogu helo xalinta caqbadaha ku hor-gudban meelmarinta heshiiskii 17-kii Septemer, maadaama mowqifyada dhinacyada shirka ka qeyb-galaya uu kala fog yahay aysanna jirin kalsooni dhexdooda ah, wuxuu Goluhu soo jeedinayaa in la helo dhinac kaalin dhex dhexaadin ah qaata, hubiyana fulinta qodobada lagu heshiiyo.

3: Goluhu wuxuu arkaa in ay xaq dastuuri ah tahay in gobolka Banaadir matalaad ku yeesho Aqalka Sare, laakin ayna nasiib darradu tahay in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay u kuraasta Aqalka Sare ee gobolka Banaadir u adeegsado olole doorasho iyo ciyaar siyaasadeed lagu kala irdheeynaayo Bulshada Soomaaliyeed.

4: Goluhu wuxuu uga digayaa Madaxweyne Farmaajo in uu shirka ka dhex abuuro khilaaf horleh, si uu marmarsiiyo uga dhigto dib u soo nooleynta damiciisii muddo kororsiga ahaa, goluhu wuxuu cadeynayaa in muddo xileedkii Hay’adaha dastuuriga ee dalka uu dhamaaday, marka laga reebo, xilheynta Madaxweynaha oo ay todobaad ka harsan tahay, sidaa daraadeed goluhu marnaba ma aqbalayo muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha markii uu muddo xileedkiisu idlaado.

5: Goluhu wuxuu Shirka dhuusamareeb u arkaa fursadii ugu dambeeyay ee dalka looga badbaadin karo xasilooni darro iyo jahwareer siyaasadeed, wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa Madaxweyne Farmaajo in todobaadka xilkiisa ka harsan uu muujiyo xilkasnimo iyo mas’uuliyad xal loogu heli xaalada cakiran ee siyaasadda dalka, sooyaalka taariikhdiisa dambana sumcad darri kaga badbaadiyo.

6: Goluhu wuxuu saaxiibada Soomaaliya kaga mahad celinayaa kaalinta ay ka qaateen xal u raadinta ismarin-waaga doorashooyinka iyo sida joogtada ah ee ay mar walba Soomaaliya iyo dakeeda u barbar taagan yihiin.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post