1350 Views

Galmudug oo sheegtay inay xaqiijiyeen Amniga degaan lagala wareegay Al-Shabaab

Galmudug oo sheegtay inay xaqiijiyeen Amniga degaan lagala wareegay Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Galmudug  Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Camaara laga hirgelin doono adeegyada aas aasiga u ah nolosha, maadaama ciidamada ay dhawaan halkaasi ka saaren Al-Shabaab.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana hoostagta Degmada Xarardheere ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga, haatanna ay magaalada tahay mid nabdoon oo Nabadgelydeeda la isku haleyn karo.

Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in magaalada Camaara laga hirgelin doona Saldhig boolis, xarumo caafimaad iyo Waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee ay bulshada u baahantahay, maadaama Al-Shabaab ay kalhore baabi’iyeen goobihii bulshada loogu adeegi jiray.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post