393 Views

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay, xili uu ku wajahan yahay MW Xasan Shiikh

Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyay, xili uu ku wajahan yahay MW Xasan Shiikh
____________________________________________________________________________

Talaado: May 31, 202

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay sidoo kalena xarunta Kumeel gaarka ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed waxaa si weyn ugu socoto diyaar garow ku aadan soodhaweynta wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku wajahan halkaas saacadaha soo socda.

Waddooyinka soo gaala Magaalada Baydhabo waxaa lagu arkayaa sawiradda madaxweynaha oo lagu xardhay iyo dadka oo sita, sidoo kale gawaarida ayaa qaarkood ayaa lagu dhajiyay, iyadoo Safarka madaxweyne Xasan Shiikh uu noqonayo kiisii ugu horreeyay tan iyo markii 15-bishaan loo doortay Xilka madaxtinimo ee dalka.

Sidaan oo kale, sanadkii 2012-kii markii loo doortay xilka Madaxweynaha ayuu safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo boqolaal dadweynaha Magaalada Baydhabo oo u diyaarsan soodhaweyna madaxweynaha ayaa ku sugan Magaaladaas, waxaana sidoo kale si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee magaalada Baydhabo, iyadoo hareerraha waddooyinka lagu arkayo ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliiska iyo Militariga kuwaas oo ammaanka sugaya.

Kadib markii uu maanta gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud magaalada Baydhabo, waxaa lau wadaa inuu ugu horreeyn isaga iyo Madacweynaha Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ay xariga si wadajir ah ugu jaraan dib u dhis lagu sameeyay xarunta Madaxtooyada Maamulkaas.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sarreysa Koofur galbeed kaas oo la xiriira xaaladda guud ee maamulka mida siyaasadeed iyo tan xaaladda bini’aadanimo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post