1134 Views

Dab xaley ka kacey magaalada Hargeysa oo ay ku geeriyoodeen laba caruur ah

Dab xaley ka kacey magaalada Hargeysa oo ay  ku geeriyoodeen laba caruur ah
____________________________________________________________________________

Isniin: july 5, 2021

Dab xaley ka kacey mid kamid ah xaafadaha magaalada Hargeysa, ee caasimadda jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida uggu dhawaaqdey ee Somaliland, ayaa la sheegayaa iney ku geeriyoodeen laba caruur ah, oo ku jirey guriga uu dabku qabsadey.

Taliyaha ciidanka dab damiska Somaliland, Col. Axmed Maxamed Xasan “Axmed Sawaxili”, oo kula hadley Hargeysa, ayaa sheegay in caqabadda uggu weyn ee qabsatey ciidamada dam damiska markii ay gurmad sameeyeen ay tahay iney xirnaayeen waddooyinkii loo marayey halka uu dabku ka Kacey, iyadoo gaaritaanka goobtaasna ay dhawr saacadood ku qaadatey.

Xaafadda uu dabku ka Kacey, ayuu sheegay taliyaha iney tahay isku raran, oo aanan laheyn waddooyin waa weyn, oo ay si saani ah gawaarida waa weyn ee gurmadku u isticmaali karayaan.

Caqabadda waddo xumida ayay ka jirtaa magaalooyin badan oo waa weyn ee Soomaaliya, taasoo marar badan ay ka cawdaan dadweynaha, gaar ahaan marka ay halis lasoo daristo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post