1110 Views

Akhriso:-Warmurtiyeedka Shirka Soomaalida Madasha Aragti wadaaga Jabuuti

Akhriso:-Warmurtiyeedka Shirka Soomaalida Madasha Aragti wadaaga Jabuuti
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 18, 2019 | QOL |   –Shirkii Aragti Wadaagga Soomaida ee ka socday dalka Jabuuti oo maanta lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Djibouti ayaa waxaa laga soo saarey war-murtiyeed.

 

Shirka oo socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa diirrada lagu saarey:

 

 

 

  1. Doorka Soomaalidu ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika
  2. Qadiyadda Somaliland
  3. Horumarinta Ganacsiga iyo Waxbarashada
  4. Doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo Somaliland.

 

War-murtiyeedkii oo kooban:

 

* Madashu waxay dhiirigalinaysaa dardargalinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

 

* Madashu waxay ku baaqday in dib loo soo celiyo wada-hadlaladii Somaliland oo doorkoodu ahaa isqancinta.

 

* Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee sannadkan ka taagan Soomaaliya.

 

* Madashu waxay ku baaqday in doorashada Soomaaliya wakhtigeeda lagu qabto

 

* Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasaddeed ee ka taagan Somaliland gaar ahaan arrimaha dooorashooyinka.

 

* Madashu waxay Somaliland ugu baaqday in ay sii waddo wada-hadalkii kala dhaxeeyay Soomaaliya si xal looga gaadho arrinta Somaliland.

 

* Madashu waxay soo dhaweysay ballanqaadkii madaxweyne Cagjar ee ahaa in la xoojiyo Soomaalinimada.

 

* Kenya: Madashu waxay bogaadinaysaa doorka ay siyaasadda iyo ganacsiga ay ku leeyihiin Soomaalida Kenya.

 

* Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka Soomaalida Kenya in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha isgaadhsiinta.

 

* Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardayda soomaaliyeed iyo tayo xumaanta waxbarashada.

 

* Madashu waxay soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan”

 

* Madashu waxay ugu baaqeysaa qof kasta oo soomaali ah in uu kaalin ka qaato horumarinta caafimaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

 

* Madashu waxay madaxweynaha Jabuuti u aqoonsatay xuddunta Soomaalida.

 

– Shirka waxaa soo xidhay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in uu aqbalay war-murtiyeedka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment