549 Views

Maxaa looga hadlayaa shirka ka furmay Pakistan oo ay ka qeybgalayaan 60 dal oo muslim ah?

Maxaa looga hadlayaa shirka ka furmay Pakistan oo ay ka qeybgalayaan 60 dal oo muslim ah?
____________________________________________________________________________


Isniin: December 20, 2021

 
Wakiilo ka kala socda ku dhawaad ​​60 dal oo Muslim ah ayaa ku shirsan Pakistan si ay uga wada hadlaan sidii looga hortagi lahaa masiibo bini’aadantinimo oo ka dhacda dalka ay deriska yihiin ee Afghanistan.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, oo ka hadlayay shirka, wuxuu ka digay in xaaladdii banii’aadanimo ee ugu weyneyd ay saameyso Aghanistaan waa haddii beesha caalamka ay waxkaban weyso xaaladda.

Waxaa sidoo kale shirkan ka qeyb galaya ergo ka kala socota Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Balaayiin doolar oo taageero dhaqaale ah oo loogu talagalay dalka Afghanistan ayaa la xayiray markii Daalibaan ay xukunka la wareegtay bishii Agoosto.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dalkaasi uu qarka u saaran yahay xaaladdii bini’aadanimo ee ugu darneyd, iyadoo malaayiin qof ay wajahayaan macluul.

Xubno ka tirsan dowladda Daalibaan ayaa ku sugan shirkan, inkastoo aan si rasmi ah loo ogolaan doonin inay ka qeybgalaan. Ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday Daalibaan.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post