735 Views

Israel “ Xizbullah waxay maalinkii nagu soo weerari kartaa 2,000 oo gantaal

Israel “  Xizbullah waxay maalinkii nagu soo weerari kartaa 2,000 oo gantaal
____________________________________________________________________________

 Isniin: October 18, 2021

Israel ma dooneyso inay dagaal la gasho Xizbullah, hase yeeshee waxay diyaar u tahay inay maalinkii wajahdo 2,000 oo gantaal oo kaga yimaada kooxda reer Lubnaan haddii dagaal uu qarxo, waxaa sidaas AFP u sheegay sarkaal militari oo Israeli ah.

Bishii May ee sanadkan, ciidamada Israel ayaa dagaal socday 11 maalmood la galay kooxda Xamas ee Marinka Gaza, kuwaas oo Israel kusoo tuuray 4,400 oo gantaal.

Israel waxay sheegtaa in habkeeda difaaca gantaallada ee Iron Dome uu dhexda ka qabtay 90% gantaalladaas ayada oo kaliya 300 ay ku dhaceen degmooyin la degan yahay.

Bishii May, magaalooyinka Tel Aviv iyo Ashdod waxay wajaheen “tiradii ugu badneyd oo gantaallo lagu soo tuuray ah taariikhda Israel,” waxaa sidaas yiri Uri Gordin, oo ah madaxda Taliska Difaaca Gudaha ee ciidamada Israel.

“Waxaan aragnay qiyaastii 400 oo gantaal oo Israel kusoo wajahan maalinkiiba.”

Gordin ayaa sheegay in haddii dagaal ay la galaan Xizbullah ay filayaan in maalinkii lagu soo weeraro tiro shan jeer ka badan middaas.

“Waxaan fleynaa in Israel ay maalinkii wajahdo 1,500 illaaa 2,500 oo gantaal,” ayuu yiri.

Gordin ayaa sheegay in dagaalkii 2006 lala galay Xizbullah, oo Israel looga dilay 160 qof uu ahaa mid ay ku baraarugaan awoodda kooxda, islamarkaana wixii markaas ka dambeeyey ay adkeeyeen difaacooda.

AFP

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post