852 Views

Kenya oo rumaysan in dad qaba Coronavirus kana tagay Soomaaliya ay galeen dalkeeda.

Kenya oo rumaysan in dad qaba Coronavirus kana tagay Soomaaliya ay galeen dalkeeda.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 28-2020–Soomaaliya, India iyo Shiinaha ayaa gacan ka gaysta tirada ugu badan ee dalka Kenya soo galiyo kiisaska ‘Covid-19’ sida uu shaacisay wargayska Daily Nation.

Dib-u-eegis lagu sameeyay 17,603 xaaladood oo Coronavirus ayaa muujisay in 456 kiis dibada looga keenay dadka Kenya. Soomaaliya ayaa ah tirada ugu badan ee dadka kiisaska corona qaba oo ah (96) waxaana ku xigta Hindiya (59) iyo Shiinaha (47).

Muwaadiniinta Afrikaanka ah ayaa ah tirada ugu badan ee kiisaska dibedda looga keeno Kenya sida warbixintu muujisay, iyadoo 218 la tijaabiyay laga helay fayraska.

Guud ahaan dadka Afrikaan ah ee qabay xanuunka Coronavirus ee galay Kenya waxaa ugu sareeya Soomaaliya ah 96 kiis, waxaa ku xigto Uganda oo ah 24 iyo Tansaaniya oo ah 20 kale oo deriska kale la ah Kenya Koonfurta Suudaan waa (19) iyo Ereteriya (12).

Sidoo kale dadka Afrikaan ah ee qaba xanuunka Coronavirus ee galay Kenya waa Burundi (8), Nigeria (5), Republic of Congo (8), iyo South Africa (7).

Tirada labaad ee ugu badan ee kiisaska dibedda looga keenay waxa ay ka yimaadeen Aasiya (129 xaaladood). Hindiya waxa ay wadar ahaan ka yimid 59 kiis oo ay ku xigto Shiinaha (47) iyo Pakistan (8).

Dadka laga helay Kiisaska Corona ee Yurub ka yimid  ee galay Kenya waxaa ka mid ah Ingiriiska (37), France (10) iyo Austria (4).

Nairobi ayaa laga helay tirada ugu badan ee kiisaska corona ee dibada ka yimid waana (178) waxaa ku xiga Mombasa ah (43).

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post