669 Views

Soomaali ku dhibaateeysan Xabsi ku yaalla Sacuudiga & Hay’ad ka hadashay

Soomaali ku dhibaateeysan Xabsi ku yaalla Sacuudiga & Hay’ad ka hadashay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 04, |  2020—Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa waxaa ay ka qeylo-dhaamis Dad ay ku jiraan Soomaali oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan Xabsiyo ku yaalla Dalka Sacuudi Carabiya.

War kasoo baxay Hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in muhaajiriinta Xabsiyada ku jira ay dareemayaan cadaadis xoogan, sida in laba laba la isugu xiro in aan loo ogolaan inay suuliga ama musqsuha aadaan,isa markaana Xabsiga ay ka dhigtaan Suuli.

Dadka ku dhibaateysan Xabsiyada ku yaalla dalka Sacuudiga ayaa waxaa ay kasoo kala jeedaan dalalka, Soomaaliya, itoobiya iyo Eleteriya,waxaana Hay’adda  Amnesty ay ugu baaqday mas’uuliyiinta Magaalada Riyaad inay xaalada Xabsiyada waxka bedelaan

Xabsiyada ay dadka muhaajiriinta ah ku dhibaateeysan yihiin oo ay walaaca ka muujisay Hay’adda Amnesty International ayaa waxaa ay ku kala yaallaan Magaalooyinka, Jeddah, Mecca-Aldayar iyo Jizan.

Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ina dadyow ay wareysteen ay kasoo xigteen inay arkeen Saddex meyd ah oo maxaabiista kamid ahaa, kuwaas oo u dhashay dalalka, Soomaaliya itoobiya iyo Eleteriya,isla markaana dhamaantood ay yihiin dad la yaqaano.

Dowladda Sacuudiga weli wax jawaab ah kama biixn eedeyntaan uga timid Hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Amnesty International, iyad aoo ay xusid mudan tahay inay jiraan dad badan oo ku jira Xabsiyada ku yaalla dalka Sacuudiga.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post