768 Views

Xildhibaano sheegay in Waare uu ka diiday la xisaabtan

Xildhibaano sheegay in Waare uu ka diiday la xisaabtan
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 27 2020–Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabelle oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Waare uu diiday inay waxka weeydiiyaan waxa lagu qabtay lacagtii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay.
Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax Kaladire oo kamid ah Xildhibaannada hadlay ayaa ku eedeeyay in Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uusan Bulshada la wadaagin lacag dhan 1142,000 oo Dollar oo dowladda Soomalaiya ugu talo gashay waxka qabashada fatahaadaha deegaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan Beledweyne.
Waxaa uu Xildhibaanka shaki geliyay in lacagtaas ay ku jirto Gacanta Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare,waxaana Madaxda Dowladda Federaalka uu ugu baaqay inay u soo dirto Guddi baarayaal ah.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dowladda federaalka ay horay mas’uuliyiin u xirxirtay fal la xiriira musuq maasuq,balse Maamulka Hir-Shabeelle muddo saddex Sano ah uu ka jiro musuq ayna la yaaban yihiin sida ay wax uga qaban la’yihiin Madaxda Dowladda.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa hora bartiisa Twitteter-ka ugu daabacay in lacag loogu talo galay gurmadka Beledweyne ay ka heleen dowladda Federaalka balse ilaa iyo hadda aysan muuqan wax lagu qabtay,waxaana sidoo kale xusid mudan in dadkii ka baracakay Beledweyne ay xaalad nolol xumo ku heysato deegaanka Ceeljaale.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment