687 Views

Xisbiyada Somaliland oo ka hadlay waqtiga loo go’aamiyay inay dhacaan doorashooyinka

Xisbiyada Somaliland oo ka hadlay waqtiga loo go’aamiyay inay dhacaan doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 17, 2021—Hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland, ayaa maanta si wada-jir ah usoo dhaweeyey maalinta ay xubnaha komishanka doorashooyinka u cayimeen inay qabsoomaan doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo ah 31/05/2021, waxana ay farriin u direen golaha guurtida oo iyagu iska leh awoodda ugu dambaysa ee cayimaadda doorashada.

Kaddib kulan wada-jir ah oo ay la qaateen madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayey hoggaanka sare ee saddexda xisbi-qaran shaaca ka qaadeen inay si buuxda u taageersan yihiin muddada ay xubnaha komishanka doorashooyinku soo jeediyeen in la qabto doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka.

Ugu horrayn ku simaha xog-hayaha guud ee xisbiga UCID, Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, ayaa shaaciyey inay xisbiyada qaranku iyaga oo isku duuban isku raacsan yihiin sidii doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada loo qaban lahaa maalinta ay komishanka qaranku soo jeediyeen oo ah 31-ka bisha shanaad ee sannadkan aynnu ku jirno ee 2021-ka, waxana uu golaha guurtida ugu baaqay inay muhiimad gaar ah siiyaan waqtiga iyo ku midaysan yihiin Axsaabta qaranka iyo Komishanka.

Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa ugu horrayn si niyadsami leh u bogaadiyey dedaallada ay komishanka iyo xukuumaddu ugu jiraan sidii ay doorashada u dhici lahayd, isaga oo baaq u diray golaha guurtida, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,“Maadaama oo maanta aannu dadku diyaar u ahayn doorasho dambe oo dib inooga dhacda, waxannu go’aansannay guurtida inaannu ka dalbanno inay is waafajiyaan maalinta uu komishanku qabtay iyo maalinta ay cayimaan, cid Allaale iyo ciddii gacan ka geysatay diiwaangelinta, haddii ay komishanka tahay, haddii ay xukuumadda tahay, haddii ay odayaasha dhaqanka tahay iyo haddii axsaabta qaranka tahayba aad iyo aad baannu u bogaadinaynaa.”

Ugu Danbayntiina Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha,  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hoosta ka xarriiqay inay axsaab ahaan ku wada midaysan yihiin in doorashada la qabto maalinta ay komishanka u cayimeen qabsoomidda doorashooyinka, isaga oo golaha guurtidana ugu baaqay inay dhegaystaan baaqa axsaabta, si looga dheeraado doorasho dambe oo dib u dhacda, waxana uu yiri, “Waxa ay xisbiyada isla qaateen inay si midaysan u taageeraan soo jeedinta ay soo jeediyeen komishanka doorashooyinku, waxa kale oo ay soo jeedinayaan si qaran ahaan aynu u midaysnaanno, dib-u-dhac dambena aanu innagu iman, maadaama oo ay guurtidu hore muddada u kordhisay, in guurtida, xukuumadda iyo xisbiyaduba ka wada hawl-galaan si la isu waafajiyo muddadii hore ee guurtidu tilmaantay iyo muddada imika komishanku soo jeediyeen.”

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post